Sabuurradii 23:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.

2. Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.

3. Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.

4. In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.

Sabuurradii 23