1. Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
2. Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay, Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
3. Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
4. Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa, Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah, Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.