Sabuurradii 148:10-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

11. Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

12. Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,

13. Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

Sabuurradii 148