Sabuurradii 119:98-113 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

98. Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.

99. Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.

100. Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.

101. Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.

102. Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.

103. Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!

104. Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.

105. Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.

106. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.

107. Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

108. Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.

109. Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.

110. Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.

111. Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.

112. Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.

113. Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

Sabuurradii 119