Sabuurradii 119:25-45 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.

26. Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.

27. Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.

28. Naftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.

29. Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.

30. Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.

31. Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.

32. Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.

33. Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.

34. Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.

35. Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.

36. Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.

37. Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.

38. Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.

39. Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.

40. Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

41. Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.

42. Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.

43. Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.

44. Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.

45. Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

Sabuurradii 119