Sabuurradii 119:160-163 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

160. Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.

161. Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.

162. Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.

163. Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

Sabuurradii 119