Sabuurradii 11:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?

2. Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.

3. Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?

Sabuurradii 11