Sabuurradii 109:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,

2. Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.

3. Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.

4. Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.

Sabuurradii 109