Sabuurradii 106:40-46 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

40. Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.

41. Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.

42. Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.

43. Marar badan ayuu samatabbixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.

44. Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,

45. Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.

46. Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.

Sabuurradii 106