Nexemyaah 5:18-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Haddaba maalintiiba waxaa naloo diyaarin jiray dibi iyo lix neef oo wanaagsan oo ido ah; oo weliba waxaa la ii diyaarin jiray digaag, oo tobankii maalmoodba mar baa naloo keeni jiray cayn kasta oo khamri ah; oo weliba intaas oo dhan anigu marna ma weyddiisan cuntadii taliyaha, maxaa yeelay, addoonnimada dadkan saarnayd aad bay u cuslayd.

19. Ilaahayow, wanaag igu xusuuso wixii aan dadkan u sameeyey oo dhan aawadiis.

Nexemyaah 5