16. Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.
17. Oo weliba waxaa miiskayga wax ka cuni jiray boqol iyo konton nin oo ah Yuhuud iyo taliyayaal oo ayan ku jirin kuwii nooga yimid quruumihii hareerahayaga ku wareegsanaa.
18. Haddaba maalintiiba waxaa naloo diyaarin jiray dibi iyo lix neef oo wanaagsan oo ido ah; oo weliba waxaa la ii diyaarin jiray digaag, oo tobankii maalmoodba mar baa naloo keeni jiray cayn kasta oo khamri ah; oo weliba intaas oo dhan anigu marna ma weyddiisan cuntadii taliyaha, maxaa yeelay, addoonnimada dadkan saarnayd aad bay u cuslayd.
19. Ilaahayow, wanaag igu xusuuso wixii aan dadkan u sameeyey oo dhan aawadiis.