Nexemyaah 3:24-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Binnuwii ina Xeenaadaad, taas oo ka bilaabmaysay gurigii Casaryaah ilaa meeshuu derbigu ka leexdo iyo tan iyo derbiga geeskiisii.

25. Faalaal ina Uusayna wuxuu cusboonaysiiyey meel leexashadii derbiga ka soo hor jeedday iyo munaaraddii ka taagnayd gurigii boqorka oo sare ee u dhowaa barxaddii waardiyayaasha, oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Fedaayaah ina Farcosh.

26. (Haddaba reer Netiiniim waxay degganaayeen Cofel iyo tan iyo meel ka soo hor jeedday Iridda Biyaha oo xagga bari, iyo ilaa munaaraddii kor u taagnayd.)

27. Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, taasoo ka soo hor jeedday munaaraddii weynayd oo kor u taagnayd, iyo tan iyo derbigii Cofel.

Nexemyaah 3