Muujintii 17:7-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.

8. Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.

9. Waa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor;

Muujintii 17