Matayos 8:4-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

5. Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

6. oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya.

7. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa.

8. Markaasaa boqol-u-taliyihii u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid, laakiin hadal keliya dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.

Matayos 8