Matayos 24:30-42 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.

31. Oo wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.

32. Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay.

33. Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

34. Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

35. Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

36. Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbahay keliya maahee.

37. Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

38. Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay,

39. wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

40. Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.

41. Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.

42. Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo.

Matayos 24