4. Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.
5. Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii.
6. Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.
7. Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.
8. Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin.
9. Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha.
10. Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.
11. Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,
12. oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.
13. Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.