33. Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.
34. Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan.
35. Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen.
36. Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen.
37. Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan.
38. Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee.
39. Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen.
40. Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa?
41. Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda.