Maahmaahyadii 9:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Xigmaddu gurigeeday dhisatay, Toddobadeedii tiirna way xaradhay.

2. Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.

3. Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,

4. Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

5. Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.

Maahmaahyadii 9