Maahmaahyadii 4:24-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

25. Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.

26. Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.

27. Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.

Maahmaahyadii 4