Maahmaahyadii 4:20-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.

21. Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,

22. Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.

23. Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.

Maahmaahyadii 4