29. Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.
30. Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.
31. Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya, Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.
32. Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga, Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.
33. Rabbigu wuxuu inkaaraa guriga kii shar leh, Laakiinse rugta kuwa xaqa ah wuu barakeeyaa.