22. Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,
23. Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.
24. Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,
25. Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.
26. Ha noqonin sida kuwa gacanta dhaar ugu dhiiba, Ama sida kuwa deyman u dammiinta.
27. Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?
28. Soohdinta hore oo ay awowayaashu dhigeen Innaba ha durkin.