Maahmaahyadii 21:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.

2. Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.

3. Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.

4. Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan, Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.

Maahmaahyadii 21