Maahmaahyadii 14:23-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Hawl kasta faa'iidaa ku jirta, Laakiinse hadalka bushimuhu wuxuu keenaa caydhnimo keliya.

24. Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.

25. Markhaatigii run ahu nafuu samatabbixiyaa, Laakiinse kii been sheegaa waa khaayin.

26. Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh, Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magangalaan.

27. Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed, Si dabinnada dhimashada looga leexdo.

28. Sharafta boqorku waxay ku jirtaa dadka badnaantiisa, Laakiinse baabba'a amiirku wuxuu ku jiraa dadka yaraantiisa.

29. Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.

30. Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.

Maahmaahyadii 14