Luukos 7:4-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Goortay Ciise u yimaadeen, aad bay u baryeen oo ku yidhaahdeen, Isagu waa istaahilaa inaad waxaas u yeeshid,

5. waayo, quruunteenna ayuu jecel yahay, oo sunagog ayuu noo dhisay.

6. Markaasaa Ciise raacay, oo isagoo aan guriga ka fogayn, ayaa boqol-u-taliyihii saaxiibbo u soo diray oo ku yidhi, Sayidow, ha isdhibin, waayo, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid.

7. Saas aawadeed uma aan malaynaynin inaan istaahilo inaan kuu imaado; laakiin hadal dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.

8. Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo, oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.

9. Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, oo intuu dadkii la socday ku jeestay ayuu ku yidhi, Waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidaas u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin.

Luukos 7