21. Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer gaajaysan, waayo, waad dhergi doontaan. Waxaana barakaysan kuwiinna haddeer ooyaya, waayo, waad qosli doontaan.
22. Waad barakaysan tihiin goortii dadku idin necbaado, oo goortay dhexdooda idinka saaraan, oo idin caayaan, oo magacyadiinna sida wax shar leh u tuuraan Wiilkii Aadanaha aawadiis.
23. Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.
24. Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen.