Luukos 5:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Intii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay ereygii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesared;

2. oo wuxuu arkay laba doonniyood oo badda ag taal; laakiin kalluumaystayaashii waa ka degeen, oo shabagyadoodii ayay maydhayeen.

3. Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii.

4. Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan.

5. Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa.

Luukos 5