Luukos 4:26-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Laakiin middoodna Eliyaas looma dirin, naag carmal ah oo magaalada Sarefta oo dalka Siidoon ku jirtay maahee.

27. Wakhtigii Nebi Eliishaana waxaa Israa'iil ku jiray dad badan oo baras leh, midkoodna lama daahirin Nacamaan reer Suuriya maahee.

28. Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen.

Luukos 4