Luukos 24:11-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen.

12. Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.

13. Laba ka mid ah iyaga waxay maalintaas qudheeda ku socdeen tuulo la odhan jiray Emma'us, tan Yeruusaalem u jirtay lixdan istaadiyon.

14. Waxay ka wada hadlayeen wixii dhacay oo dhan,

15. oo waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweyddiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday.

Luukos 24