Laawiyiintii 14:47-51 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

47. Oo qofkii guriga seexdaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii guriga wax ku cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa.

48. Oo haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo, oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii wuu ka bogsaday.

49. Oo isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

50. Oo shimbirraha middood waa inuu ku dhex gowracaa weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.

51. Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa.

Laawiyiintii 14