Laawiyiintii 13:26-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo barta dhalaalaysa laga waayo timo cad, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn laakiinse uu yaraaday, markaas wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

27. Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

28. Laakiinse bartii dhalaalaysay hadday meesheedii ku joogsatay, oo ayan dubka sare ku sii faafin, illowse ay yaraatay, markaas waa bararkii meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, taasu waa astaantii gubashada.

29. Haddii nin ama naagu ay cudur ku yeeshaan madaxa amase gadhka,

30. markaas wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, oo meeshaasna ay ku yaalliin timo casuur ah oo khafiif ah, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cambaar oo waa baraskii madaxa iyo gadhka.

Laawiyiintii 13