Laawiyiintii 11:32-47 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

32. Oo wax alla wixii ay ku dhacaan markay dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag, ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna daahir buu ahaanayaa.

33. Oo weelkii dhoobo ah oo mid iyaga ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan.

34. Oo waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.

35. Oo wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan.

36. Habase yeeshee il amase god ay biyo badanu ku jiraan daahir bay ahaanayaan, laakiinse wixii baqtigooda taabtaa way nijaasoobayaan.

37. Oo wax baqtigooda ahu hadday ku dhacaan abuur la abuurayo, kaasu waa daahir.

38. Laakiinse abuurka haddii biyo lagu shubo oo wax baqtigooda ahu ay ku dhacaan markaas waa idinka nijaas.

39. Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto, kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

40. Oo neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

41. Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.

42. Wax alla wixii bogga ku socda, iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh, kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo.

43. Idinku waa inaydaan karaahiyo iskaga dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si aydaan iyaga ugu nijaasoobin.

44. Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa.

45. Waayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.

46. Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;

47. si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.

Laawiyiintii 11