Ishacyaah 59:17-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Sida laabdhawr oo kale ayuu xaqnimo u soo xidhay, oo madaxana wuxuu saartay koofiyad badbaado ah, oo wuxuu dhar ahaan u guntaday aarsasho, oo qiiro kulul ayuu soo huwaday.

18. Siday falimahoodu istaahilaan ayuu nacabyadiisa cadho ugu abaalmarin doonaa, oo cadaawayaashiisana wuu u abaalgudi doonaa, oo gasiiradahana abaalgud buu siin doonaa.

19. Markaasaa magaca Rabbiga xagga galbeed lagaga cabsan doonaa, oo ammaantiisana xagga qorrax-ka-soobaxaa lagaga cabsan doonaa. Marka cadowgu sida daad oo kale u yimaado ayaa Ruuxa Rabbigu eryi doonaa.

20. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba.

Ishacyaah 59