Ishacyaah 57:12-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Waxaan sheegi doonaa xaqnimadaada iyo shuqulladaada, iyaguse waxba kuuma tari doonaan.

13. Markaad qayshatid, bal guutooyinkaagu ha ku samatabbixiyeen, laakiinse iyaga dabayl baa qaadi doonta, oo neef baa wada kaxayn doonta, laakiinse kii isku kay halleeyaa dalkuu hantiyi doonaa oo wuxuu dhaxli doonaa buurtayda quduuska ah.

14. Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.

15. Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena.

16. Waayo, ilaa weligay diriri maayo oo ilaa weligay sii cadhaysnaan maayo, haddii kalese ruuxii iyo nafihii aan abuurayba hortayda way ku taag darnaan lahaayeen.

17. Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.

18. Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa.

19. Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu midhaha bushimahaan abuuraa. Nabad iyo nabadu ha u ahaato kan fog iyo kan dhowba. Oo isagaan bogsiin doonaa.

20. Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo.

Ishacyaah 57