18. Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.
19. Bal yaa indha la' addoonkayga mooyaane? Yaase dhega la' sida wargeeyahayga aan soo diray? Yaase indha la' sida kan ila nabdoon, iyo sida addoonka Rabbiga?
20. Waxyaalo badan baad aragtaa, laakiinse uma fiirsatid, dhegaha waa la furay, laakiinse waxba lama maqlo.
21. Rabbigu wuxuu aad ugu farxay xaqnimadiisa aawadeed inuu sharciga weyneeyo oo aad u sharfo.
22. Laakiinse kuwanu waa dad la dhacay oo la boobay, oo kulligoodna waxaa lagu dabay godad, oo waxaa lagu qariyey guryo xabbiseed, iyagu waa wax la ugaadhsado, oo ninna ma samatabbixiyo, waa wax la boobo oo ciduna ma tidhaahdo, soo celiya.
23. Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?