Ishacyaah 40:15-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Bal eega, quruumuhu waxay isaga la yihiin sida dhibic biyeed oo baaldi ku jirta oo kale, oo wuxuu ku xisaabaa sida boodh kafado dul saaran oo kale, oo bal eega, gasiiradahana wuxuu kor ugu qaadaa sida habaas fudud oo kale.

16. Oo Lubnaan in la gubo kuma filla, oo xayawaankeedana qurbaan la gubo uguma filla.

17. Quruumaha oo dhammu waxay hortiisa ku yihiin sida wax aan jirin oo kale, oo waxay isaga la xisaabsan yihiin wax ka sii yar baabba' iyo waxaan waxba ahayn.

18. Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?

19. Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah.

20. Kii miskiin ah oo aan qurbaan awoodi karinuse wuxuu doortaa geed aan bololi karin, oo wuxuu doondoontaa nin saanac ah oo hagaajiya sanam xardhan oo aan dhaqaaqi karin.

21. Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka?

22. Waa isaga kan wareegga dhulka dul fadhiya, oo dadka kor degganuna waa sida kabajaan oo kale, oo waa isaga kan samooyinka sida daah u kala fidiya, oo wuxuu u kala bixiyaa sida teendho lagu hoydo oo kale.

23. Isagu amiirrada wuxuu ka dhigaa sida wax aan jirin oo kale, oo xaakinnada dhulkana wuxuu ka dhigaa sida wax aan waxba ahayn oo kale.

Ishacyaah 40