Ishacyaah 25:10-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Waayo, Rabbiga gacantiisu waxay saarnaan doontaa buurtan, oo Moo'aabna meeshiisaa lagula tuman doonaa sida cawska meesha digada lagula tunto.

11. Oo isna gacmihiisuu ku dhex kala fidin doonaa sida mid dabaalanaya gacmihiisa u kala fidiyo inuu dabaasho aawadeed, laakiinse Rabbigu wuxuu hoos u ridi doonaa kibirkooda iyo shuqulkii gacmahoodaba.

12. Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.

Ishacyaah 25