Galatiya 6:5-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Waayo, nin kastaaba waa inuu culaabtiisa qaato.

6. Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.

7. Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa.

8. Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah.

9. Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.

Galatiya 6