Falimaha Rasuullada 5:10-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.

11. Markaasaa cabsi weyni gashay kiniisaddii iyo kuwii waxyaalahaas maqlay oo dhan.

12. Rasuulladii waxay gacmahooda dadka dhexdiisa ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan; iyagoo isku wada qalbi ah ayay waxay wada joogeen Balbaladii Sulaymaan.

13. Laakiin kuwii kale midkoodna kuma dhicin inuu iyaga ku darmado, hase ahaatee dadkii waa sharfeen iyaga;

14. oo waxaa ku soo kordhay iyaga kuwa badan oo Rabbiga rumaystay, oo rag iyo dumarba leh;

Falimaha Rasuullada 5