1. Haddaba Feestos markuu soo galay gobolkii, ayuu saddex maalmood dabadeed Kaysariya ka tegey, oo wuxuu aaday Yeruusaalem.
2. Markaasaa wadaaddadii sare iyo raggii Yuhuudda u waaweynaa waxay isagii u sheegeen wax Bawlos ka gees ah, wayna baryeen
3. oo axsaan ka weyddiisteen inuu isaga Yeruusaalem u soo diro; iyagoo shirqool u dhigaya inay jidka ku dilaan.
4. Habase yeeshee Feestos wuxuu ugu jawaabay in Bawlos lagu dhawrayo Kaysariya, iyo in isaga qudhiisuba dhaqsiyo halkaas u aadayo.
5. Oo wuxuu ku yidhi, Haddaba kuwa idinku jira oo amarka lahu aniga ha ila tageen, oo haddii ninkaasu wax qallooc ah leeyahay, iyagu ha dacweeyeen isaga.