Falimaha Rasuullada 18:3-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Isaguna la shuqul buu ahaa, sidaas darteed ayuu ula joogay iyagii, wayna shaqeeyeen; waayo, xagga shuqulkooda waxay ahaayeen taambuug-sameeyayaal.

4. Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.

5. Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.

6. Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

Falimaha Rasuullada 18