Falimaha Rasuullada 15:24-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;

25. sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,

26. kuwaasoo ah niman naftooda u biimeeyey magicii Rabbigeenna Ciise Masiix aawadiis.

27. Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.

28. Waxaa la wanaagsanaatay Ruuxa Quduuska ah iyo annagaba inaannan idin saarin culaab ka weyn waxyaalahan waajibka ah.

29. Waa inaad ka fogaataan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiig, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. Kuwaas haddaad iska dhawrtaan si wanaagsan baad yeeli doontaan. Nabadgelyo.

30. Sidaas daraaddeed, kolkii la diray ayay waxay yimaadeen Antiyokh; oo markay dadkii badnaa isu ururiyeen dabadeed waxay u dhiibeen warqaddii.

31. Markay akhriyeenna ayay waanadii ku farxeen.

32. Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen.

33. Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray.

34. Laakiin waxaa Silas la wanaagsanaatay inuu meeshaas sii joogo.

35. Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.

Falimaha Rasuullada 15