Falimaha Rasuullada 11:21-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Gacanta Rabbiguna waa la jirtay iyaga; oo kuwa tiro badan oo rumaystay baa Rabbiga u soo jeestay.

22. Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen;

23. kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,

24. maxaa yeelay, nin wanaagsan buu ahaa oo waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah iyo rumaysad; dad badan baana Rabbiga u kordhay.

25. Markaasuu Tarsos tegey inuu Sawlos ka doono;

Falimaha Rasuullada 11