Falimaha Rasuullada 10:46-48 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

46. Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.

47. Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?

48. Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.

Falimaha Rasuullada 10