Daanyeel 5:16-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Laakiinse waxaa la iiga kaa sheegay inaad wax fasiri kartid, shakigana saari kartid; haddaba haddaad farta akhriyi kartid oo aad fasirkeeda caddayn kartid, waxaa lagu xidhi doonaa dhar guduudan, waxaad qoortana ku qabi doontaa silsilad dahab ah, oo waxaad noqon doontaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.

17. Markaasaa Daanyeel jawaabay oo yidhi isagoo boqorkii hor taagan, Boqorow, hadiyadahaaga iska hayso, abaalgudyadaadana ku kale sii; habase yeeshee farta waan kuu akhriyi doonaa, fasirkana waan kuu caddayn doonaa.

18. Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,

19. oo weynaantii uu siiyey aawadeed ayay dadyowgii iyo quruumihii iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu la gariireen oo ka cabsadeen. Kuu doonayay wuu dilay, kuu doonayayna wuu reebay; oo kuu doonayay wuu sarraysiiyey, kuu doonayayna wuu hoosaysiiyey.

20. Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday.

21. Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo.

Daanyeel 5