9. Haddaba Ilaah wuxuu ka dhigay in Daanyeel raallinimo iyo raxmad ka helo amiirkii bohommada.
10. Markaasaa amiirkii bohommadu Daanyeel ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa sayidkayga boqorka ah, oo rukunka idiinka dhigay cuntadiinna iyo cabbitinkiinna, waayo, muxuu u arki wejiyadiinna oo ka liita kuwa dhallinyarada ah ee aad isku da'da tihiin? Sidaasaad madaxayga khatar ugu gelinaysaan boqorka hortiisa.
11. Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,
12. Waan ku baryayaaye, intii toban maalmood ah na tijaabi annagoo addoommadaada ah, oo ha nala siiyo atar aan cunno iyo biyo aan cabnoba.
13. Dabadeedna wejiyadayada hortaada ha lagu fiiriyo iyo wejiga dhallinyarada boqorka cuntadiisa cunta; oo markaas annagoo ah addoommadaada sidii aad nagu aragtid noola macaamilo.