8. In kastuu wiil ahaa, weliba wuxuu addeecid ku bartay waxyaalihii uu ku xanuunsaday;
9. oo goortuu kaamil noqday wuxuu kuwa isaga addeeca oo dhan u noqday sababta badbaadada weligeed ah.
10. Oo Ilaah baa isaga wuxuu ku magacaabay wadaad sare sidii derejadii Malkisadaq.
11. Waxaannu haysanna waxyaalo badan oo aannu kan kaga hadalno, laakiin waa fasir adag yahay dhegaculayskiinna aawadiis.
12. Wakhtigii aad macallimiin noqon lahaydeen ayaad haddana u baahan tihiin in laydin baro waxyaalaha ugu horreeya ee Ereyada Ilaah, oo waxaad noqoteen sidii kuwa caano u baahan ee aan cunto adag u baahnayn.