Boqorradii Labaad 7:10-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Sidaas daraaddeed way yimaadeen, oo waxay u dhawaaqeen magaalada iridjoogayaasheedii; oo way u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu galnay xeradii ciidanka Suuriya, oo halkaas ninna ma joogin, codna laguma maqal, laakiinse waxaa joogay fardihii xidhxidhnaa, iyo dameerihii xidhxidhnaa, iyo teendhooyinkii oo sidoodii iska ahaa.

11. Oo isna wuxuu u yeedhay iridjoogayaashii, oo iyana waxay saas u soo sheegeen reerkii boqorka ee gudaha joogay.

12. Markaasaa boqorkii habeennimadii toosay oo addoommadiisii ku yidhi, Haatan waxaan idin tusayaa wixii ay reer Suuriya nagu sameeyeen. Iyagu way og yihiin inaynu gaajaysan nahay, oo sidaas daraaddeed xeradii way ka baxeen oo duurka ku dhuunteen, oo waxay isyidhaahdeen, Markay magaalada ka soo baxaan ayaynu iyagoo noolnool qabqabanaynaa, oo magaalada ayaynu galaynaa.

13. Oo mid addoommadiisii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, Waxaan kaa baryayaa in qaar wado shan faras oo kuwa magaalada ku hadhay ah, (maxaa yeelay, iyagu waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ka hadhay oo dhan, oo waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ee le'day oo dhan, ) oo aynu dirno iyagu ha soo arkeene.

14. Oo sidaas daraaddeed waxay wadeen laba gaadhifaras iyo fardahoodii; oo boqorkii baa wuxuu ka daba diray ciidankii Suuriya, oo wuxuu ku yidhi, Ordoo soo arka.

Boqorradii Labaad 7