Boqorradii Labaad 3:2-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, laakiinse uma samayn sidii aabbihiis iyo sidii hooyadiis u sameeyeen oo kale, waayo, wuu riday tiirkii Bacal oo aabbihiis sameeyey.

3. Habase yeeshee wuxuu ku dhegay dembigii Yaaraabcaam ina Nebaad, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kaas kama uu tegin.

4. Haddaba boqorkii reer Moo'aab oo Meeshaac ahaa ido buu lahaa, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil baad u siin jiray boqol kun oo baraar ah, iyo boqol kun oo wan dhogortood.

5. Laakiinse markii Axaab dhintay ayaa boqorkii Moo'aab ku caasiyoobay boqorkii dalka Israa'iil.

6. Oo markaasaa Boqor Yehooraam ka baxay Samaariya, oo wuxuu soo safay dadkii Israa'iil oo dhan.

7. Oo intuu tegey ayuu u cid dirtay Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa igu caasiyoobay boqorkii Moo'aab, haddaba ma i raacaysaa aan Moo'aab la dirirnee? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ku raacayaa, waayo, waxaan ahay adigoo kale, dadkayguna waa sida dadkaaga oo kale, fardahayguna waa sida fardahaaga oo kale.

8. Oo isna wuxuu yidhi, War jidkee baynu maraynaa? Markaasuu ugu jawaabay, Jidka cidlada Edom.

9. Sidaas daraaddeed waxaa israacay boqorkii dalka Israa'iil, iyo boqorkii dalka Yahuudah, iyo boqorkii dalka Edom; oo waxay wareegeen meel toddoba maalmood loo socdo; oo ciidankii iyo xayawaankii la socday toona biyo ma helin.

Boqorradii Labaad 3