33. Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen.
34. Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey,
35. kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina;
36. laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbigii dalkii Masar idinkaga soo bixiyey xoogga weyn iyo cudud fidsan, isagana u sujuuda oo allabari u bixiya;